LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

XOG:- Musharaxa JSP ee Galmudug oo Beri lagu dhawaaqayo

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in maalinta berri galab la isugu yeeray kulan degdeg ah oo ay yeelanayaan xubnaha Golaha Fulinta ee Xisbiga JSP, kulan lagu tilmaamay mid aan caadi ahayn oo xasaasi ah.

Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Golaha Fulinta ee xisbiga, ajandaha ugu weyn ee kulanka ayaa ah in xubnaha lagu horgeeyo siyaasiga Liibaan Axmed Xasan, kaas oo la filayo inuu noqdo musharraxa rasmiga ah ee xisbiga JSP u matali doona doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in kulanka berri lagu wado in Golaha Fulinta ay codka kalsoonida siiyaan Liibaan Axmed Xasan, taas oo qeyb ka noqon doonta habraaca rasmi ah ee musharraxnimadiisa. Xubnaha Golaha Fulinta ayaa la filayaa inay dood iyo falanqeyn ka yeeshaan qorshaha siyaasadeed ee musharraxa, xaaladda Galmudug iyo istaraatiijiyadda xisbiga ee doorashada soo socota.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in maalmo yar gudahood la qaban doono munaasabad gaar ah oo si rasmi ah loogu shaacin doono tikidka musharraxnimada Madaxweynaha Galmudug ee xisbiga JSP, halkaas oo Liibaan Axmed Xasan loogu gacan gelin doono astaanta iyo taageerada rasmiga ah ee xisbiga.

Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda gudaha xisbiga JSP ayaa muujinaya dadaal xooggan oo lagu doonayo in xisbigu door muuqda ku yeesho tartanka siyaasadeed ee Galmudug, xilli ay sii kordhayaan kulamada iyo wadatashiyada siyaasadeed ee la xiriira doorashada maamulkaasi.

Ilaa hadda, hoggaanka sare ee xisbiga JSP si rasmi ah ugama hadlin kulanka berri iyo qorshaha musharraxnimada Liibaan Axmed Xasan, balse ilo gudaha ah ayaa sheegaya in diyaar garowga munaasabadda shaacinta musharraxa uu marayo heer gabagabo ah.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa inay noqoto mid si weyn isha loogu hayo, iyadoo musharraxiin dhowr ah ay durba bilaabeen ololahooda siyaasadeed iyo kulamada ay la yeelanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta maamulkaasi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *