Sawirro:- Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo Deg Deg ku tegay Saldhigyadii la soo weeraray kuna dhawaaqay

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo uu wehlinayay Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janeraal Cabdullaahi Xasan, ayaa maanta booqday fariisimaha ciidamada dowladda ee ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo, halkaasi oo habeenkii xalay uu ka dhacay dagaal culus.
Booqashada mas’uuliyiintan ayaa timid kadib markii ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegeen inay iska caabiyeen weerar ay kusoo qaadeen ciidamo daacad u ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ciidamada ku sugan fariisimaha ku amaanay sida ay uga hortageen weerarka, isaga oo sheegay in ciidamada dowladda ay muujiyeen geesinimo iyo diyaar garow sare.
“Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed waxay si adag isaga difaaceen maleeshiyaadkii kusoo duulay fariisimaha ciidamada. Waxaan ku bogaadinayaa sida ay u ilaaliyeen amniga shacabka iyo xasiloonida deegaanka,” ayuu yiri Hoggaamiye Jibriil intii uu ku guda jiray booqashada.
Sidoo kale, Janeraal Cabdullaahi Xasan ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibaaraan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga, isaga oo tilmaamay in dowladda Federaalka ay garab taagan tahay ciidamada ku sugan furimaha hore.
Wararka laga helayo duleedka Baydhabo ayaa sheegaya in dagaalka xalay uu ahaa mid xooggan oo la isku adeegsaday hub culus iyo rasaas kala duwan. Dagaalka ayaa ka dhacay fariisimo dhowr ah oo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin hareeraha magaalada.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalku uu socday saacado badan, iyadoo labada dhinacba ay kala sheegteen guulo. Saraakiisha ciidamada taabacsan Laftagareen ayaa sheegay inay gaareen guulo militari, halka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed iyo saraakiisha dowladda Federaalka ay sheegeen inay fashiliyeen weerarkaasi.
Ilaa iyo hadda ma jiraan tiro rasmi ah oo laga soo saaray khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay dagaalka, hase yeeshee wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in uu jiro khasaare soo kala gaaray dhinacyadii dagaallamay.










