Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Xero ku taalla Shabeellaha Hoose iyo khasaaro ka dhashay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo saacadihii lasoo dhaafay lagu qaaday xero ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Mubaarak oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka, kooxda Al-Shabaab ayaa dhowr madfac ku garaacday xerada ciidamada dowladda, iyadoo jugta madaafiicda laga maqlayay qeybo badan oo kamid ah deegaankaasi.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Mubaarak ayaa warbaahinta u sheegay in qaar kamid ah madaafiicda ay ku dhaceen gudaha xerada ciidamada, halka kuwo kale ay ku dhaceen agagaarka xerada, taasoo sababtay cabsi iyo walaac soo kala dhex galay dadka deegaanka.
Inta la xaqiijiyay, ugu yaraan saddex askari oo katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi, inkastoo aan weli la helin war rasmi ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay si degdeg ah uga jawaabeen weerarka madaafiicda, islamarkaana ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo la xiriira sugidda ammaanka deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladda guud ee deegaanka Mubaarak ay haatan tahay mid degan, inkastoo wali laga dareemayo feejignaan dhanka ammaanka ah.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan deegaano katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo marar badan ay ka dhacaan weerarro iyo dagaallo u dhexeeya labada dhinac.









