Xog:- Laftagareen oo ku biiray Xisbi culus iyo taageeradiisii Farmaajo oo meesha ka baxeysa

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa lagu warramayaa inuu ku wajahan yahay ku biirista Midowga Haybad-Qaran oo ah isbahaysi siyaasadeed ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin caan ah iyo xubno saameyn weyn ku leh siyaasadda dalka.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Laftagareen iyo siyaasiyiin kale oo ka socda maamulka Koonfur Galbeed ay wada-hadallo la leeyihiin hoggaanka Midowga Haybad-Qaran, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda si rasmi ah loogu dhawaaqo ku biiristooda madashaasi siyaasadeed.
Midowga Haybad-Qaran ayaa waxaa hormuud u ah Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, waxaana lagu tilmaamaa madal ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad iyo kuwo hore xilal sare uga soo qabtay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ku biirista Laftagareen ee madashan ayaa loo arkaa tallaabo siyaasadeed oo xasaasi ah, maadaama uu muddooyinkii dambe kamid ahaa siyaasiyiinta aadka ugu dhowaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo hoos u dhacday.
Sidoo kale, dhaq-dhaqaaqyada cusub ee Laftagareen ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu galay marxalad siyaasadeed oo adag, iyadoo mucaaradka iyo siyaasiyiin hore ay wadaan abaabulo siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda Federaalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amniga iyo dastuurka.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in haddii Laftagareen si rasmi ah ugu biiro Midowga Haybad-Qaran ay taasi sii xoojin karto culayska siyaasadeed ee saaran dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, maadaama madashan ay kusoo ururayaan siyaasiyiin miisaan leh oo leh taageero beeleed iyo mid siyaasadeed oo muuqata.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Laftagareen ama Midowga Haybad-Qaran oo lagu xaqiijinayo ku biiristaasi, balse dhaq-dhaqaaqyada socda ayaa muujinaya isbeddel siyaasadeed oo cusub oo laga dareemayo gudaha dalka.









