LATEST NEWSLOCAL NEWS

Maaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Go’aan cad qaatay, xilli Madaxweyne Qoor Qoor iyo Villa Somalia…

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa si weyn u soo dhaweeyay horumarrada la xiriira geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee ka socda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, isagoo ku tilmaamay tallaabooyin muhiim u ah xoojinta dowladnimada iyo hirgelinta nidaamka doorashooyinka dalka.

Qoraal uu Madaxweyne ku xigeenku soo saaray ayuu ku bogaadiyay qabashada doorashada Koonfur Galbeed, isaga oo sheegay in doorasho xor iyo xalaal ah ay saldhig u tahay xasilloonida siyaasadeed, horumarka bulshada iyo dhismaha hay’adaha dowladeed.

“Waxaan si diiran u soo dhoweynaynaa qabashada doorashada Koonfur Galbeed, taas oo fure u ah xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka degaanka,” ayuu yiri Cali Daahir Ciid.

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa tilmaamay in doorasho ku dhacda jawi nabdoon ay tahay waddada keliya ee lagu gaari karo metelaad dhab ah iyo horumar waara oo shacabka ay ku kalsoonaan karaan.

Dhanka kale, Cali Daahir Ciid ayaa bogaadiyay bilowga hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee ka socda Galmudug, isagoo arrintaasi ku tilmaamay tallaabo geesinimo leh oo loo qaaday hirgelinta nidaamka “Qof iyo Cod”.

Waxa uu sheegay in diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay muhiim u tahay xaqiijinta in muwaadin kasta uu yeesho fursad uu codkiisa ugu doorto hoggaanka uu doonayo, islamarkaana uu qeyb uga noqdo go’aamada siyaasadeed ee dalka.

“Tani waa tallaabo muhiim ah oo muujinaysa rabitaanka shacabka iyo dadaalka madaxda ee ku aaddan xoojinta dowladnimada iyo dimuqraadiyadda,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalka kasoo baxay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) uu ka caga jiidayo in degaannada Galmudug laga hirgeliyo doorashada ay wado Villa Somalia kadib khilaaf soo kala dhex-galay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *