Madaxweynaha Puntland oo Maanta tegaya Muqdisho, xilli xaaladda Siyaasaadeed ee dalka cakiran tahay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta uu soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo wada-hadallo siyaasadeed oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka.
Wararka laga helayo ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in kulamo muhiim ah lagu qaban doono gudaha xerada Xalane, halkaas oo la qorsheynayo inay maalinta berri ah ku kulmaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.
Kulanka la filayo ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehlin doona Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, halka dhinaca mucaaradka ay ka qeyb geli doonaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Sidoo kale, waxaa kulanka goob-joog ka noqon doona xubno ka tirsan wakiillada Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay inay door ka qaadanayaan dhex-dhexaadinta iyo fududeynta wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Wada-hadalladan ayaa imanaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo dhinacyada mucaaradka ay horey u muujiyeen walaac ku saabsan hufnaanta iyo jihada geeddi-socodka doorashada.
Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in kulamadan diiradda lagu saari doono sidii loo heli lahaa is-afgarad siyaasadeed oo horseeda hannaan doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.
Kulankan ayaa loo arkaa mid xasaasi ah oo saameyn ku yeelan kara mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marka la eego dadaallada lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo maamulka dalka.









