LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

XOG GAAR AH: Wasiir Cali Xoosh oo isu diyaarinaya inuu ka dago xilka, Maxaa ka socda Villa Somalia?

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) ayaa Banaadir24 u sheegay in wasiirku uu hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka u gudbiyay rabitaankiisa ah inuu ka dago xilka wasiirnimo.

Sida ay sheegayaan ilo kala duwan oo arrinta la socda, madaxda sare ee dowladda ayaa la sheegay inay aqbaleen codsigaasi, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababta dhabta ah ee ka dambeysa go’aanka lagu warramayo inuu qaatay wasiirka.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Cali Xoosh uu haatan ku sugan yahay magaalada Makkah ee Boqortooyada Sacuudiga, isla markaana la filayo in haddii qorshahan uu hirgalo, uu xilka si rasmi ah uga dego marka uu dib ugu soo laabto Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ka soo jeeda Puntland, xilli xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland uu wajahayo khilaaf siyaasadeed iyo xaalado amni oo isa soo taraya. Inkasta oo aan si cad loo xiriirin is-casilaaddan la sheegay iyo xiisadaha jira, haddana ilo siyaasadeed ayaa tilmaamaya in isbeddel kasta oo ka dhaca wasaaraddan muhiimka ah uu saameyn ku yeelan karo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya illaa hadda ma aysan soo saarin wax war rasmi ah oo xaqiijinaya ama beeninaya wararka la xiriira is-casilaadda la sheegay.

Haddii xogtan la xaqiijiyo, bixitaanka Cali Xoosh wuxuu noqon doonaa isbeddel weyn oo ku yimaada Golaha Wasiirrada, xilli Soomaaliya ay wajahayso caqabado dhinacyada amniga, siyaasadda, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nidaamka federaalka.

Banaadir24 waxay sii waddaa xaqiijinta xogtan, waxaana idiin soo gudbin doonnaa wixii warar dheeraad ah marka ay soo baxaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *