LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Villa Somalia Oo Ku Fashilantay Qorshe Ay Ku Ballaarinaysay Xiisadda Puntland

Warar ay heleen ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in 24-kii saac ee la soo dhaafay Madaxtooyada Federaalka, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo qaar ka mid ah saraakiisha hay’adaha amniga ay wadeen dadaallo la sheegay inay la xiriireen qorshe lagu abaabulayay dhaqdhaqaaqyo amni oo isku mar uga dhaca magaalooyinka Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo iyo Carmo.

Sida ay sheegayaan ilahaas, qorshuhu wuxuu ahaa in ciidamo lagu eedeeyay inay mushahar ka qaadanayeen Dowladda Federaalka ay la wareegaan xarumo dowladeed, si cadaadis looga leexiyo dhacdooyinkii ka dhacay deegaanka Laag, halkaas oo ciidamada Puntland ay hub ka dhigeen ciidamo ay dowladdu sheegtay inay ka tirsan yihiin ciidankeeda.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegaysaa in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Federaalka ee kasoo jeeda Puntland iyo saraakiil lagu eedeeyay inay xiriir la lahaayeen ciidamadaas ay ka gaabiyeen doorkii laga filayay, taasoo la sheegay inay dhalisay caro ka dhex abuurtay Villa Somalia. Ilo wareedku waxay intaas ku dareen in laga hadlay tallaabooyin ay ka mid yihiin mushaar-joojin, darajo ka qaadis iyo xil-ka-qaadis, hase yeeshee arrintan si rasmi ah looma xaqiijin.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay xogta in Villa Somalia ay dadaal gaar ah gelisay saddex cutub oo ciidan oo ku sugnaa duleedka Garoowe iyo laba kale oo ku sugnaa gobolka Mudug, balse aysan helin natiijadii ay filaysay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *