Xog: Dib u dhac ku yimid doorashooyinkii ka dhici lahaa degaannada Koonfur Galbeed

Warar hoose oo ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in isbeddel lagu sameeyay jadwalkii doorashada maamulka Koonfur Galbeed, kaddib markii dhammaan xisbiyadii ku tartamayay si rasmi ah loogu wargeliyay dib u dhigistaasi.
Doorashada oo markii hore loo qorsheeyay inay si rasmi ah u bilaabato 28-ka April 2026, ayaa hadda loo wareejiyay 14-ka May 2026, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Sidoo kale, isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ahayd inay ku ekaato kahor 28-ka April ayaa la kordhiyay ilaa 30-ka April.
Inkasta oo aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin isbeddelkan, haddana wararka la helayo ayaa tilmaamaya in dib u dhigista ay salka ku heyso baahi loo qabo in xisbiyada la siiyo waqti dheeraad ah oo ay isku diyaariyaan, isla markaana ay u dhameystiraan howlaha muhiimka ah ee doorashada la xiriira.
Dhinaca kale, tallaabadan ayaa dhalisay hadal heyn ballaaran oo ka dhex bilaabatay xisbiyada iyo siyaasiyiinta ku lugta leh doorashada, kuwaas oo qaar ka mid ah ay su’aal ka keenayaan sababta dhabta ah ee ka dambeysa dib u dhigistan. Waxaa jira walaac la xiriira in arrintan ay saameyn ku yeelan karto kalsoonida geeddi-socodka doorashada iyo hufnaanteeda.
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegaya in dib u dhigista doorashooyinka ay mararka qaar noqoto mid lagama maarmaan ah, balse ay muhiim tahay in si cad oo daahfuran loo sharaxo sababaha keenay, si looga fogaado shaki iyo muran siyaasadeed.
Doorashadan ayaa si weyn isha loogu hayaa, maadaama ay qeyb ka tahay hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, isla markaana ay saameyn ku yeelan karto jihada siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Soomaaliya.









