Dowladda oo Ciidamo xoogan geysay Xaafado ka tirsan Muqdisho, Gaari Ciidan oo la gubay & xiisad ka taagan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka ciidamo farabadan iyo gaadiidka dagaalka geysay xaafadaha Raadeerka iyo Warlaliska ee degmada Deyniile, halkaas oo la sheegay in la doonayo in dadka degan laga saaro dhulka ay ku nool yihiin.
Qaar kamid ah dadka ku dhaqan xaafadahaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in rag ganacsato ah, oo ay ku eedeeyeen inay adeegsanayaan magaca dowladda, ay isku dayayaan inay si xoog ah uga qaataan dhul ay sheegeen inay sharci u leeyihiin islamarkaana muddo dheer deganaayeen.
Wararka laga helayo goobta ayaa intaas ku daraya in xiisad xooggan ay ka dhalatay arrintan, iyadoo ciidamada ammaanka ay rasaas ku fureen dad diidan in laga saaro dhulkooda. Dadka deegaanka ayaa la sheegay inay iska caabin sameeyeen, taasoo sii xoojisay xaaladda kacsanaanta.
Sidoo kale, waxaa la soo wariyay in gaari ay lahaayeen Ciidamada Booliska Millatariga la gubay intii ay socdeen isku dhacyada.
Xaaladda guud ee xaafadaha Raadeerka iyo Warlaliska ee degmada Deyniile ayaa weli kacsan, iyadoo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda oo isugu jira Boolis iyo Boolis Millatari, iyo dadka shacabka ah ee deegaanka.
Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay dowladda oo ku saabsan howlgalka iyo eedeymaha la xiriira dhulka la isku hayo.









