Cumar Cabdirashiid oo sheegay in Soomaaliya gashay marxlad halis ah digniina soo saaaray

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo qoraal ku daabacay bartiisa X (Twitter), kuna tilmaamay in Soomaaliya ay gashay marxalad adag oo la xiriirta firaaq sharciyeed iyo hubanti la’aan siyaasadeed.
Sharmaarke ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hadda ku shaqeyneyso “waqti amaah ah”, isla markaana ay aad u yaryihiin fursadaha ay ku hirgelin karto ajandayaashii ay horay u dejisay, maadaama xaaladdu sii murugsan tahay.
Wuxuu xusay in weli uu jiro hal bil oo fursad ah, taas oo Madaxweynaha looga baahan yahay inuu isugu keeno dhammaan daneeyayaasha siyaasadda si loo gaaro heshiis loo dhan yahay oo dalka ka saara xaaladda cakiran.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo xal waara oo lagu joojinayo waxa uu ku tilmaamay “wareeg xun” oo ku saabsan awoodda oo loo adeegsado si shakhsiyeed marka uu dhammaanayo muddo-xileed kasta.
Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay hoggaanka dalka inay xoogga saaraan dib-u-habaynta nidaamka siyaasadeed si looga hortago qalalaase joogto ah oo dib u dhac ku keeni kara dowlad-dhiska Soomaaliya.









