Mareykanka oo duqeeyay Saldhigyada Kooxda Daacish iyo khasaarihii ugu cuslaa oo la gaarsiiyay

Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika u qaabilsan howlgalada militariga ee AFRICOM ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ay duqeyn cirka ah ku qaadeen kooxda Daacish ee ka dagaallanta Soomaaliya.
Bayaan kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan la fuliyay 6-da May 2026, islamarkaana lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda ISIS-Somalia, iyadoo weerarku ka dhacay deegaanka Buuraleyda Golis oo qiyaastii 75 KM dhanka koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
AFRICOM ayaa xustay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada wadajirka ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed, kuwaasi oo lagu wiiqayo awoodda kooxda Daacish ee Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya si loo yareeyo khatarta kooxaha argagixisada ay ku hayaan Mareykanka, ciidamada saaxiibada la ah iyo shacabka ku nool dalalka kale.
“Tallaabooyinkan waxaa looga gol leeyahay in lagu burburiyo awoodda ISIS-Somalia ee ah inay khatar ku noqdaan amniga gudaha Mareykanka, ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinta ku sugan dibadda,” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.
Duqeyntan ayaa kusoo aadeysa xilli ciidamada Puntland ay wali howlgallo culus ka wadaan buuraha Calmadow iyo Calmiskaad, halkaasi oo kooxda Daacish ay ku leeyihiin fariisimo iyo saldhigyo ay muddooyinkii dambe ku dhuumaaleysanayeen.









