Qaar kamid ah Shaqaalaha Dowladda iyo Wariyeyaal lagu xiray Muqdisho

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul u cambaareeyay xariga ay ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya kula kaceen dhalinyaro isugu jira wariyeyaal iyo shaqaale dowladeed, kuwaasi oo lagu xiray magaalada Muqdisho.
Dhalinyarada la xiray ayaa waxaa kamid ah wariye Rowdo Xasan Taakilo, Xamdi Cabdi Caddoow, Cabdixamiid Cabdikariim Xuseen, Cabdiqaniim Muxudiin Sheekh Cali iyo Muscab Mire Indhayaare, kuwaasi oo sida la sheegay ciidamada ammaanku xireen xilli ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ilaa hadda aan si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysa xarigooda iyo halka rasmiga ah ee lagu hayo, arrintaasi oo walaac xooggan dhalisay.
Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada, Xasan Cali Kheyre ayaa ku tilmaamay xarigaasi mid muujinaya in dowladdu cadaadis ku heyso bulshada iyo gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed.
Kheyre ayaa sheegay in muddooyinkii dambe ay sii kordhayeen caburinta, xarigga dadka rayidka ah, barakicinta iyo boobka hantida shacabka, isaga oo ku eedeeyay dowladda inay ku fashilantay ilaalinta xorriyadda hadalka iyo xuquuqda muwaadiniinta.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa afduubka uu taliska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kula kacay wariyeyaal iyo dhalinyaro Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u diyaar garoobaan sidii dalka looga badbaadin lahaa xaaladaha uu sheegay inay halis ku yihiin dowladnimada iyo xuquuqda shacabka.
Dhanka kale, weli dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay iyo sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya xariga dhalinyaradaasi.
Xarigga wariyeyaasha iyo dhalinyarada ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho ay ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo dhaliilo isa soo taraya oo loo jeedinayo hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya.










