LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

XOG: Deni & Axmed Madoobe oo diiday qorsho ka yimid Golaha Mustaqbalka mucaaradka

Warar xog-ogaal ah oo laga helayo ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Gollaha Mustaqbalka ayaa xaqiijinaya in maamulada Puntland iyo Jubaland ay si cad uga biyo diideen laba nooc doorasho oo ay dhawaan soo bandhigeen xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta ee ka soo jeeda gobolka Banaadir.

Sida ay ogaatay Banaadir24, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Madasha mucaaradka u gudbiyay aragti ka duwan tan la soo jeediyay, iyagoo ku adkeystay in la qaato hannaan doorasho oo horey loogu heshiiyay. Heshiiskaas ayaa lagu gaaray shir ka dhacay magaalada Garowe horraantii sanadkan, kaasi oo ay yeesheen xubnaha Guddiga Gollaha Mustaqbalka.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale la wadaagay saaxiibadooda siyaasadeed in hirgelinta doorasho qof iyo cod ah ay u baahan tahay waqti dheer iyo diyaar-garow ballaaran, isla markaana ay jiraan caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah oo suuragal ka dhigaya in nidaamkaasi uusan si fudud ku hirgelin karin xaaladda dalka ee hadda jirta.

Dhanka kale, ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Puntland iyo Jubaland ay si guud u soo dhaweeyeen nooca labaad ee doorasho ee ku saleysan ergooyin ballaaran iyo matalaad ka imanaysa magaalooyin badan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira khilaaf la xiriira habka farsamo iyo maamulka guddiga qabanaya doorashada, taas oo weli ah qodob u baahan in la isla meel dhigo.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay Madasha Samatabixinta ka codsadeen in la qabto kulan degdeg ah oo dhanka Zoom ah habeenka soo socda, si loo gaaro heshiis mideysan oo ku saabsan hal nooc doorasho oo dalka lagu hoggaamiyo marxaladda soo socota.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *