LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA
Kheyre oo cambaareeyay weerarka Ciidamada Dowladda ku qaadeen Deyniile

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa cambaareeyay weerar la sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay ka geysteen degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.
Qoraal uu soo saaray, Kheyre wuxuu ku sheegay in weerarkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, isagoo ku tilmaamay falkaasi mid ka hor imaanaya mas’uuliyadda dowladda ee ilaalinta shacabka.
Sidoo kale, wuxuu eedeyn u jeediyay taliska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in dowladdu ay ku lug leedahay barakicin iyo falal ka dhan ah shacabka.
Kheyre ayaa ugu baaqay ciidamada qalabka sida inay ka fogaadaan falal wax u dhimaya shacabka, isla markaana ay ilaaliyaan sharciga iyo xuquuqda muwaadiniinta.









