Xog cusub oo laga helay kiiska Sacdiyo Macalin iyo Maxkamad la soo taagayo
Waxaa sii xoogeysanaya hadal-heynta ku saabsan dacwadda Sacdiyo, iyadoo qareenno Soomaaliyeed oo arrintan si dhow ula socda ay sheegayaan in ay jirto suuragalnimo ay Sacdiyo ku noqon karto haweeneydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee loo xiro kiis siyaasadeed — arrin dad badan u arkaan dhacdo taariikhi ah oo hor leh marka dib loo eego taariikhda siyaasadeed ee Soomaaliya inta la xasuusan yahay.
Qareennada aan arrintan kala hadalnay ayaa tilmaamay in xarigga Sacdiyo uu abuuray dood sharci iyo mid siyaasadeedba, maadaama kiiskeeda loo arko mid xambaarsan dareen siyaasadeed oo aad u xooggan, isla markaana si weyn usoo jiitay indhaha bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa xuquuqul insaanka.
Sida xogaha la helayo muujinayaan, Sacdiyo waxaa la filayaa in maxkamad lasoo taago 1-da bisha Juun, iyadoo markaas la filayo in si rasmi ah loo guda galo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah. Hase yeeshee, iyadoo ay taasi jirto, waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo in ay heli doonto garsoor madax-bannaan oo cadaalad ah.
Dad badan oo arrinta ka faallooda, oo ay ku jiraan sharciyaqaanno iyo qeybaha bulshada rayidka ah, ayaa su’aal gelinaya sida dacwadda loo maamuli doono iyo in habraaca sharciga si buuxda loo dhowri doono.
Waxaa si gaar ah loo hadal hayaa xaqa ay u leedahay eedeysane kasta in loo qaado dacwad caddaalad ku dhisan, iyadoo aan lagu xukumin warbaahinta ama hadallo ka baxsan maxkamadda kahor inta aan garsoor rasmi ah la guda gelin.









