Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday oo si carro leh u weeraray mucaaradka

Madaxweynqha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad uu ka jeediyay Masjidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho, kaddib salaaddii Ciidda, weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradsan dowladdiisa, isagoo ku eedeeyay inay bulshada ku beerayaan cabsi iyo hadallo qalqal gelin kara amniga dalka.
Madaxweynaha ayaa ugu horreyn sheegay in xaaladda amni ee caasimadda Muqdisho ay tahay mid si weyn u soo hagaagtay, isla markaana dowladda ay waqti iyo dadaal badan gelisay xasilinta magaalada iyo sugidda nabadgelyada shacabka.
Wuxuu sheegay in shacabka aan loo baahnayn in lagu abuuro cabsi siyaasadeed xilli, sida uu sheegay, magaalada ay ku jirto marxalad amni oo wanaagsan.
“Yaan la idin cabsi gelin. Waxaa la leeyahay balaayo ayaa dhacaysa, reer hebel qoryo la soo boodayaa, nin walbana tuuladiisa ayuu u labanayaa. Arrimahaas shacabka lagu cabsi gelinayo waa kuwo aan loo baahnayn,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah u dhaliilay siyaasiyiin uu sheegay inay doonayaan inay shacabka ku abuuraan walaac iyo kala shaki, isagoo tilmaamay in aysan habboonayn in qof damac siyaasadeed leh uu hadallo noocaas ah bulshada u gudbiyo.
Wuxuu xusay in qof kasta oo doonaya inuu xil qaran qabto laga rabo inuu shacabka rajo siiyo, mideeyo, islamarkaana ka shaqeeyo xasilloonida dalka, halkii uu abuuri lahaa cabsi iyo kala qaybsanaan.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aan dib loogu noqon doonin marxaladihii adkaa ee dalka soo maray, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda ay ka go’an tahay in Soomaaliya horay loo sii wado.
“Wax la aqbali karo ma aha in dib loogu noqdo wixii laga soo gudbay. Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay horumar iyo in hore loo socdo, ee looma baahna dib u noqosho iyo cabsi la faafiyo,” ayuu hadalkiisa ku daray.









