Xildhibaan si adag ugu jawaabay Madaxeynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Xasan Sheekh
Xildhibaan Maxamed Xasan Kooshin oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa si kulul uga falceliyey hadal uu Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud ka jeediyey khudbaddii Salaadda Ciidda, isagoo ku tilmaamay hadalka madaxweynaha mid ay ka muuqatay “goolaaftan, is burin iyo jahawareer siyaasadeed.”
Xildhibaanka ayaa sheegay inuu si taxaddar leh u dhegaystay khudbadda Madaxweynaha, balse uu ka dhex arkay hadallo is khilaafsan iyo jawaabo aan si cad loogu qancin karin shacabka Soomaaliyeed.
Kooshin oo qoraal uu soo saaray ku cabbiray aragtidiisa ayaa si gaar ah uga jawaabay hadal uu Madaxweyne Xasan Sheekh kaga hadlay su’aal la xiriirtay calanka ay ku qoran tahay towxiidka, isagoo sheegay in jawaabtu aysan ahayn mid adag.
“Waxaan dhegaystay qudbadii Salaadda Ciidda ee uu Madaxweynaha jeediyey. Marka laga tago goolaaftanka, is burinta iyo isku dhexyaaca hadalkiisa ka muuqday, wuxuu yiri: ‘Waxaa nala waydiinayaa calanka towxiidku ku qoran yahay, waxaanna ku jawaabnaa ma naqaan.’ Xasanow jawaabtu way fududahay,” ayuu yiri Xildhibaan Kooshin.
Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in haddii madaxdu ay jawaab u la’yihiin su’aalaha shacabka, ay habboon tahay inay marka hore ka jawaabaan arrimaha waaweyn ee shacabka Soomaaliyeed muddada dheer ka sugayeen.
“Waxaad sheegtaa waxaad sheegto marka lagu waydiiyo; 30,000 oo qof oo la barakiciyey, xilku sow kaama dhammaan? Xoolihii umadda xaggee la geeyey? Dalka maxaa u kala daatay? Marka aad jawaabahaas hesho, si la mid ah ayaad uga jawaabi kartaa su’aal kasta oo kale,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Hadalkan Xildhibaan Maxamed Xasan Kooshin ayaa kusoo beegmaya xilli dood adag ay ka taagan tahay arrimaha siyaasadda dalka, amniga, barakaca shacabka iyo isla xisaabtanka madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.









