LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xog cusub oo kasoo korortay dhaqtarkii laga Aduubtay Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bursaalax ayaa xaqiijinaya in maanta la sii daayay Dr. Faarax Maxamed Cabdi oo muddo u afduubnaa maleeshiyaad hubeysan.

Sii deyntiisa ayaa timid kadib dadaallo xooggan oo ay sameeyeen odayaasha dhaqanka ee beesha uu ka soo jeedo, kuwaas oo wadahadallo dheer la yeeshay kooxdii haysatay.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in odayaashu ay door muhiim ah ka qaateen fududeynta sii deynta, iyagoo xoogga saaray xal nabadeed oo lagu soo afjaro arrinta.

Dr. Faarax ayaa la sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, inkastoo uu soo maray xaalad adag intii uu ku jiray gacanta kooxdii afduubka u heysatay. Odayaasha ayaa si nabad ah ugala soo wareegay goobtii lagu hayay, waxaana hadda la filayaa in si rasmi ah loogu wareejiyo mas’uuliyiinta Puntlabd.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa lagu wadaa inay gaaraan deegaanka Bursaalax saacadaha soo socda, si ay ula wareegaan Dr. Faarax una xaqiijiyaan ammaankiisa, isla markaana ay u bilaabaan baaritaan ku saabsan dhacdadan.

Dhanka kale, bulshada caafimaadka ee gobolka ayaa si weyn ugu faraxsan sii deynta dhakhtarka. Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka, iyaga oo bilaabay inay isu diraan fariimo hambalyo iyo bogaadin ah, iyagoo muujinaya sida ay ugu faraxsan yihiin soo laabashadiisa.

Waxaa sidoo kale socda qabanqaabooyin lagu soo dhaweynayo, kuwaas oo lagu muujinayo doorka muhiimka ah ee uu ku leeyahay adeegyada caafimaad ee bulshada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *