Puntland oo DFS ku Eedeysay kororka burcad-badeedda Soomaalida

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa eedeymo culus u jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in siyaasadda iyo hab-dhaqanka dowladda dhexe ay horseedayaan sii kordhinta falalka burcad-badeednimada iyo khatarta amni ee ka jirta xeebaha Soomaaliya.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Bile Qabowsade, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku lug leedahay, sida uu hadalka u dhigay, “abuurista xaalado amni darro oo saameynaya dowlad goboleedyada dalka.”
“Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Madaxweynaha muddo xileedku ka dhamaanayo Xasan Sheekh iyo kooxdiisa waxay ka shaqeynayaan in ay xoogeystaan falalka argagaxisada iyo burcadbadeedda, iyagoo ka abuuraya dowladaha xubnaha ka ah federaalka qalqal amni.”
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli toddobaadyadii u dambeeyay la soo werinayay in ay kordheen dhaqdhaqaaqyada kooxaha burcad-badeedda Soomaalida, kuwaas oo la sheegay inay mar kale bilaabeen afduubyo maraakiib ganacsi oo maraya xeebaha Puntland iyo biyaha Soomaaliya.









