Dhacdo Naxdin leh: Al-Shabaab oo gubay Gaari ay lahaayeen Dad Shacab ah

Wararka ka imaanaya deegaannada ku dhow degaanka Waabweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in fal aad u naxdin leh ay geysteen maleeshiyaadka Al‑Shabaab, kadib markii ay gubeen gaari ay lahaayeen dad rayid ah oo marayey halkaasi.
Falkan oo si weyn uga careysiiyay shacabka deegaanka ayaa mar kale muujinaya dhibaatada joogtada ah ee kooxda ku hayso dadka aan waxba galabsan, gaar ahaan kuwa safarrada ku maraya waddooyinka miyiga ah.
Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in gaariga la gubay uu siday dad shacab ah, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay dhacdadan, haddana cabsi iyo caro xooggan ayay ka abuurtay bulshada ku nool agagaarka Waabweyn.
Dhanka kale, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si degdeg ah u gaaray goobta uu falkaasi ka dhacay, iyagoo halkaas ka bilaabay howlgal ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa si gaar ah uga socday deegaannada Sulaay iyo Waabweyn, halkaas oo ciidamada ay ka wadaan baadi-goob lagu raadinayo firxadka maleeshiyaadka falka geystay.
Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka, oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ururka 53-aad Seedow Cali, Taliyaha Ururka 51-aad Faarax Jiis, iyo Taliyaha Ururka 54-aad Magool, ayaa ciidanka ku amray in la laba jibaaro dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah.
Waxay sidoo kale sheegeen in howlgalka uu sii socon doono ilaa laga xaqiijinayo amniga guud ee deegaannadaasi, isla markaana la soo afjarayo falalka amni-darro ee ay geysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay difaaca shacabka iyo sugidda xasilloonida, iyagoo ugu baaqay bulshada inay la shaqeeyaan ciidamada amniga si loo xoojiyo nabadda iyo kala dambeynta.









