LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dagaal dhex-maray Ciidamada Uganda iyo Al-Shabaab iyo khasaaro ka dhashay

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Danow ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xero ay ku sugnaayeen ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah, weerarka ayaa yimid xilli habeen ah, iyadoo dagaal xooggan uu dhexmaray labada dhinac. Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in saqdii dhexe ee xalay ay maqleen rasaas culus iyo qaraxyo, balse aysan weli helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Uganda iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay iska caabiyeen weerarka, islamarkaana ay dib u xaqiijiyeen amniga xerada iyo nawaaxigeeda.

Xaaladda deegaanka Danow ayaa saaka deggan, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ay si buuxda gacanta ugu hayaan goobta. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda ama howlgalka AUSSOM oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dagaalkaasi.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah weerarro joogto ah oo Al-Shabaab ay ku bartilmaameedsadaan fariisimada ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *