ENTERTAINMENTLATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Villa Somalia oo Go’aan ka gaartay Musharraxa Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Kadib kulamo isdaba-joog ah oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia, ayaa waxaa si rasmi ah loogu heshiiyay in Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu noqdo musharraxa Xisbiga JSP u matalaya xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS).

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Villa Somalia ay si buuxda u taageertay qorshaha lagu doonayo in Aadan Madoobe loo caleemo saaro Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed, taas oo qeyb ka ah dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo saameynta dowladda federaalka ee maamul goboleedyada.

Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay in Xuseen Sheekh Maxamuud, oo horey si weyn loogu saadaalinayay inuu noqon doono musharraxa Villa Somalia ee xilkan, lagu qanciyay inuu ka tanaasulo tartanka.

Wararka ayaa tilmaamaya in heshiis siyaasadeed lagu gaaray in Xuseen Sheekh Maxamuud loo magacaabo Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana la siiyo taageero dhaqaale oo la taaban karo.

Dhanka kale, qorshaha cusub ayaa sidoo kale tilmaamaya in Wasiirka hadda xilkaas haya, Cabdiqaadir Jaamac, loo wado jagada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, marka uu Aadan Madoobe baneeyo kursigaas si uu ugu tartamo xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay siyaasiyiinta aadka ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana tallaabadan ay dad badan ku noqotay mid lama filaan ah, maadaama la filayay inuu si toos ah ugu tartamo hoggaanka KGS.

Isbedelladan siyaasadeed ayaa muujinaya dhaq-dhaqaaqyo cusub oo ka socda gudaha dowladda federaalka, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara jihada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo guud ahaan dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *