DFS oo Weerar Weyn U Sii Diyaar Garoobeysa, Kumannaan Askari oo Lagu Soo Kordhiyay Ciidanka Xoogga Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday dib-u-habeyn iyo isbeddello lagu sameynayo qaab-dhismeedka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), iyadoo la magacaabay saraakiil cusub, la dhisay guutooyin dheeraad ah, isla markaana dib loo habeeyay qaar ka mid ah cutubyada ciidamada, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah.
Wareegto kasoo baxday Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Col. Ciise Jeelle Isxaaq loogu magacaabay Taliyaha Guutada 9-aad ee Qaybta 60-aad, kaddib geeridii Alle ha u naxariistee Col. Yoonis Aadan oo hore xilkaas u hayay.
Sidoo kale, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Guutada 22-aad, oo hore uga tirsanaan jirtay Booliska Milatariga, loo wareejiyay ciidamada Gorgor, halka lambarka guutadaas dib loogu qoondeeyay cutubka Booliska Milatariga.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Guutada 22-aad lagu dhisay ugu yaraan shan urur oo cusub, kuwaas oo la sheegay inay ka kooban yihiin ku dhowaad 3,000 askari. Hoggaanka guutadaas ayaa loo magacaabay Col. Maxamed Nuur Hadlaaye, oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Gorgor.
Dib-u-habeyntan ayaa kusoo beegmaysa xilli la filayo in dowladda Federaalka ay billowdo wejiga xiga ee hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo isbeddelladan loo arko kuwo lagu xoojinayo awoodda iyo diyaar-garowga ciidamada ka hor howlgalada la qorsheynayo.
Ilaa hadda, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ma uusan soo saarin faahfaahin rasmi ah oo dheeraad ah oo ku saabsan baaxadda dib-u-habeyntan iyo tirada guud ee cutubyada cusub ee la sameeyay.









