LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xog: Ciidamo xogtooda la qariyay oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga

Diyaarad milatari oo ah nooca Airbus A400M Atlas oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka ee Turkey ayaa maanta iyo shalay ka qaaday garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo loo qaaday dalka Turkiga si ay u qaataan tababaro heer sare ah.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in duulimaadyadan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu tayeynayo ciidanka, gaar ahaan kuwa loo diyaarinayo howlaha gaarka ah (Special Forces). Waxa ay sidoo kale tilmaameen in duulimaadyo kale oo dheeraad ah la filayo maalmaha soo socda, si loo qaado ciidamo kale oo tababarro sare loo siin doono.

Tababaradan ayaa diiradda lagu saarayaa xirfadaha ciidamada gaarka ah, oo ay ku jiraan howlgalada ka dhanka ah argagixisada, dagaalka magaalooyinka, iyo hawlgallada sirdoonka ku saleysan, waxaana xusid mudan in Ciidamadan tababarka loo qaaday laga qariyay Shacabka iyo Warbaahinta.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horey ugu heshiiyay in inta badan ciidamada lagu tababaro gudaha dalka, gaar ahaan xerada TurkSom  ee Muqdisho. Si kastaba, cutubyo gaar ah oo ka tirsan ciidamada sida kuwa Gorgor ayaa loo qaadaa Turkiga si ay u helaan tababaro heer caalami ah oo dheeraad ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *