Duqeyn lagu khaariyay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo Dowladda oo War kasoo saartay

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in duqeymo culus oo ka dhacay deegaanno ka kala tirsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose, Baay iyo Jubbada Hoose lagu dilay ugu yaraan 54 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in lix duqeyn oo qorsheysan laga fuliyay deegaannada Tardho ee gobolka Hiiraan, Ugunji ee Shabeellaha Hoose, Daynuunaay ee Baay iyo Qumbi ee Jubbada Hoose. Howlgalladan ayaa la sheegay in ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka.
Wasaaradda ayaa sheegtay in duqeymahaasi lagu burburiyay fariisimo muhiim ah oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannadaasi, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay ay ku sugnaayeen xubno sare oo ka tirsan kooxda.
Sidoo kale, warbixinta ayaa tilmaantay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo awoodda Al-Shabaab, isla markaana lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida dalka.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo nabad waarta iyo in shacabka Soomaaliyeed laga dulqaado khatarta ay kooxdaasi ku hayso.










