LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xog: -Agaasimaha NISA oo xilalkii ka qaaday qaar kamid ah taliyeyaasha degmooyinka G/Banaadir

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa sameeyay isbeddel ballaaran oo lagu sameeyay hoggaanka laamaha NISA ee degmooyinka Gobolka Banaadir, kaddib amar cusub oo lagu magacaabay taliyaal cusub isla markaana xilalka looga qaaday qaar badan oo hore u hayay xilalkaas.

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, isbeddelkan ayaa si gaar ah u saameeyay degmooyin dhowr ah oo muhiim u ah amniga caasimadda. Taliyihii NISA ee Degmada Shibis ayaa loo wareejiyay Degmada Gubadley, halka xilkii laga qaaday taliyihii hore ee Gubadley, Cabdullahi Yuusuf. Sidoo kale, Degmada Dayniile ayaa laga qaaday taliyihii NISA ee hore Taliye Seedi-xume, iyadoo loo magacaabay taliye cusub.

Dhanka kale, Degmada Shibis ayaa iyaduna heshay taliye cusub, taasoo ka dhigan in isbeddelku uu yahay mid si weyn u taabanaya qaab-dhismeedka amniga ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa tilmaamaya in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin qorshe dib-u-habeyn iyo xoojin lagu sameynayo hay’adaha amniga, si loo kordhiyo la-dagaallanka falalka amni darrada iyo kor u qaadidda wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee ammaanka.

Isbeddelkan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan xilalkii laga qaaday qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Deyniile iyo Gubadley, taasoo muujinaysa in dowladda federaalka ay waddo dib-u-eegis guud oo lagu sameynayo maamulka iyo amniga Gobolka Banaadir.

Ilo wareedyo ku dhow hay’adaha amniga ayaa sheegaya in la filayo in isbeddello kale ay sii socdaan maalmaha soo socda, kuwaasoo la xiriira hagaajinta xaaladda amni ee caasimadda Muqdisho, oo mararka qaar wajahda caqabado dhinaca nabadgelyada ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *