Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir ugu yeeray Golaha Mustaqbalka ( Warsaxaafadeed)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay kulan muhiim ah oo ay isugu imaan doonaan xubnaha Golaha Mustaqbalka, kaas oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho 10-ka May 2026.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in kulankan uu ka dhashay wadatashiyo iyo kulamo gaar ah oo madaxweynuhu la yeeshay siyaasiyiin, madax hore, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed intii lagu guda jiray bilihii u dambeeyay.
Kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo muhiim u ah mustaqbalka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin geeddi-socodka dowlad-dhiska, qabsoomidda doorashooyin loo dhan yahay, xoojinta midnimada qaranka iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in wadahadalladu ku dhacaan jawi niyadsami, daahfurnaan iyo mas’uuliyad leh, si loo gaaro go’aanno wax ku ool ah oo dalka u horseeda horumar iyo xasillooni.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in xilligan ay muhiim tahay in dhinacyada kala duwan ay muujiyaan is-qancin iyo isu tanaasul, si kulanku u noqdo mid miro dhal ah oo natiijooyin la taaban karo kasoo baxaan.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijiyay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay hirgelinta hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadajir, is-afgarad iyo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo dowladnimada dalka.










