Xisbiga Sheekh Shariif oo arein culus ka sheegay Dhalinyarada u xiran Dowladda

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu garab taagan yahay waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda u xiran yihiin Dowladda Soomaaliya.
Xisbiga ayaa sheegay inuu la wadaagayo “dareenka iyo xanuunka” waalidiinta iyo ehellada dhallinyaradaasi, isagoo xusay inuu diyaar u yahay taageero kasta oo sharci iyo bulsho ah oo lagu raadinayo sii deyntooda.
Bayaanka kasoo baxay Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in dhallinyarada la xiray ay wajahayaan xaalado adag oo ay kamid yihiin jirdil, bahdil, caga-jugleyn, caafimaad xumo iyo daryeel la’aan.
Dhanka kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu soo jeediyay xisbiga Himilo Qaran.
Xisbiga Himilo Qaran ayaa sidoo kale shacabka ku nool caasimadda Muqdisho ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan waxa uu xisbigu ku tilmaamay cabburin, caga-jugleyn iyo ku takri-fal awoodeed.
Xisbiga ayaa sheegay in dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo cakiran iyo hubanti la’aan la xiriirta geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.
“Bulshada Soomaaliyeed waa inay ilaashadaan xuquuqdooda dastuuriga ah, kana hortagaan falal kasta oo lid ku ah xorriyadda iyo karaamada shacabka,” ayaa lagu yiri bayaanka.









