DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh & Safiirka Midowga Yurub oo khilaafka doorashada si kulul…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Safiirka Midowga Yurun ee Soomaaliya Francesca Di Mauro ayaa kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

War-saxaafadeed ay Madaxtooyada Soomaaliya kasoo saartay kulanka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen iskaashiga istaraatiijiyadeed ee soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada mudnaanta u leh labada dhinac.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, wada-hadallada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray taageerada ay Midowga Yurub siiyaan dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha dowladnimada, horumarinta hay’adaha dowladda, amniga, dimuqraadiyeynta iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Kulanka ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli ay Soomaaliya wajahaysa marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo la filayo in maalinta berri ah xerada Xalane ee magaalada Muqdisho uu ka dhaco kulan u dhexeeya siyaasiyiinta mucaaradka iyo safiirrada dalalka loo yaqaano C6+, kuwaasi oo door muuqda ku leh taageerada siyaasadeed iyo tan horumarineed ee Soomaaliya.

Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in kulanka Xalane looga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxaladda kala guurka ah, arrimaha doorashooyinka iyo doorka beesha caalamka ee taageerada geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dalalka iyo hay’adaha ku mideysan C6+ ayaa inta badan door firfircoon ka qaata arrimaha siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada doorashooyinka, dib-u-heshiisiinta iyo taageerada hay’adaha dowladda.

Ilaa iyo hadda, Midowga Yurub si rasmi ah war uga ma soo saarin kulanka dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Safiir Francesca Di Mauro, mana jiraan faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyay qodobada gaarka ah ee labada dhinac ay isku afgarteen.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *