LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Shuruud adag oo lagu xiray doorashada Guddoonka Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay in 18-ka May 2026 oo ahaa xilligii loo qorsheeyay in la qaban doono doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya dib loo dhigay, isla markaana ay hortaallo shuruud adag.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in, iyadoo la dhowrayo dacwad la xiriirta ansixinta natiijooyinka doorashooyinka oo hortaalla Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, la sugayo go’aanka kama dambaysta ah ee maxkamaddaasi.

Guddiga ayaa xustay in fulinta doorashada ay ku xirnaan doonto jawaabta kasoo baxda Maxkamadda Sare, si waafaqsan qodobada 7-aad, faqraddiisa 1-aad, xarafkiisa (f) ee sharciga doorashooyinka.

Sidoo kale, guddigu wuxuu sheegay in haddii go’aan rasmi ah kasoo baxo maxkamadda, ay si degdeg ah u shaacin doonaan jadwalka dhamaystiran ee doorashada xubnaha iyo guddoonka Golaha Wakiillada, si waafaqsan jadwalkii hore ee guddigu diyaariyay.

Ugu dambayn, GMDQS waxay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed, ururrada siyaasadda, musharraxiinta iyo dhammaan daneeyayaasha inay ilaaliyaan sharciga, xasilloonida iyo habsami u socodka geeddi-socodka doorashooyinka dalka.

 

Screenshot

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *