Xisbiga JSP oo buuxiyay booskii uu iska casilay Laftagareen iyo hadal-heyn ka dhalatay

Si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), hoggaanka sare ee ururka ayaa si rasmi ah Marwo Fawsiyo Maxamed Sheekh ugu magacaabay xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Dowlad Goboleedyada ee ururka.
Booskan ayaa bannaanaa kadib markii uu iska casilay xilkaas madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kaas oo sidoo kale ka baxay xisbiga., kadib markii ay is khilaafeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Laftaagreen.
Hoggaanka iyo xubnaha JSP ayaa si wadajir ah hambalyo ugu diray guddoomiye ku-xigeenka cusub, iyagoo u rajeeyay inay si hufan u gudato waajibaadka culus ee loo igmaday, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xiriirka dowlad goboleedyada.
Magacaabistan ayaa kusoo aadeysa xilli siyaasadda dalka ay ku jirto marxalad xasaasi ah, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si awood ah xilka uga qaaday madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed. Sidoo kale, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay inuu qorsheynayo inuu si xooggan dib ugu soo laabto Koonfur Galbeed, taas oo sii kordhin karta xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolka iyo guud ahaan dalka.
Isbeddelladan isdaba jooga ah ayaa muujinaya in loollan siyaasadeed oo xooggan uu ka dhex jiro hoggaanka iyo ururrada siyaasadeed, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay soo baxaan dhaq-dhaqaaqyo hor leh oo saameyn ku yeelan kara jihada siyaasadda Soomaaliya.









