Qaramada Midoobay oo War kasoo saartay Gogoshii uu Madaxweyne xasan Sheekh u fidiyay Mucaaradkiisa

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Kaalmada Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay martiqaadka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo la filayo inuu noqdo madal muhiim ah oo lagu gorfeeyo mustaqbalka siyaasadeed iyo midka amni ee dalka.
War-saxaafadeed ay soo saartay UNTMIS ayaa lagu sheegay in shirkaasi uu yahay fursad muhiim ah oo lagu gaari karo is-afgarad qaran, iyadoo la eegayo duruufaha siyaasadeed iyo caqabadaha jira ee u baahan xal wadajir ah.
UNTMIS waxay carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada ay arrintan khusayso oo ay ku jiraan madaxda dowladda, siyaasiyiinta, bulshada rayidka ah iyo daneeyeyaasha kale ay si hufan, daah-furan, isla markaana niyad sami leh uga qayb qaataan wada-hadallada. Waxay hoosta ka xariiqday in danta guud ee shacabka Soomaaliyeed ay tahay in la hormariyo, lagana fogaado dano gaar ah oo carqaladeyn kara geeddi-socodka wada-hadallada.
Sidoo kale, hay’addu waxay xustay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad xasaasi ah oo u baahan go’aan mideysan, gaar ahaan marka la eego arrimaha doorashooyinka, amniga, iyo dhismaha dowladnimada casriga ah.
“Iyada oo la shaqeyneysa la-hawlgalayaasha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, UNTMIS waxay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada ay siiso dadaallada Soomaaliya ee lagu wajahayo caqabadaha taagan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
UNTMIS ayaa ugu dambeyn muujisay rajadeeda ah in shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu noqdo mid miro-dhal ah, islamarkaana horseeda xal waara oo dalka u suurtageliya xasillooni siyaasadeed iyo horumar dhaqaale.










