LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Laftagareen oo si culus ka bixiyay Xabsi Gurigii laga dhigay Taliye Shub iyo is casilaadisii

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa faahfaahin ka bixiyay xaalado culus oo uu sheegay in ay hareeyeen is-casilaaddiisii muranka dhalisay ee hore uga dhacday magaalada Baydhabo, kadib markii ay dowladda federaalku la wareegtay gacan ku haynta magaaladaas.

Laftagareen ayaa sheegay in dhacdooyinkaas ay la xiriireen cadaadis siyaasadeed iyo xaalado amni oo uu ku tilmaamay kuwo xasaasi ah, isagoo si gaar ah u xusay in Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya ee xilligaas, Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaan Taliye Shub), uu ku sugnaa xaalad afduub ah oo ka dhacday Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Laftagareen ayaa sheegay in lagu qasbay in uu bartiisa Facebook ku baahiyo qoraal is-casilaad ah, taas oo uu ku tilmaamay in ay ka mid ahayd shuruudaha lagu xiray si loo sii daayo Taliyaha uu sheegay in la haystay.

Hadalka Laftagareen ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli hore loo hadal hayay qaabka ay u dhacday is-casilaaddiisa kooban, taas oo markii hore lagu baahiyay baraha bulshada kadibna si degdeg ah looga saaray, ka hor inta aan mar kale dib loo soo celin.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Laftagareen waxa uu sidoo kale tilmaamay in dhacdooyinkaasi ay ku beegnaayeen xilli uu sheegay in sodoggiis uu ku jiray xaalad afduub, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin faahfaahinta uu soo bandhigay.

Hadalka Laftagareen ayaa yimid xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa madaxda dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, taas oo hore loogu arkay muranno la xiriira awood-qaybsiga iyo amniga dalka.

Arrintani waxay kusoo beegmeysaa xilli dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana la filayaa in hadalladan ay sii kiciyaan doodda ku saabsan xiriirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, iyo sidoo kale hufnaanta dhacdooyinkii hore ee lagu muransanaa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *