LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xiriirka Somalia iyo UK oo marxalad cusub galaya, kulan ka dhacay Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay Wasiiradda Dowladda UK u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah iyo Afrika, Kirsty McNeill, oo booqasho ku timid Muqdisho.

Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimaha mudnaanta u leh labada dhinac, danaha ay wadaagaan iyo fursadaha lagu sii xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo UK.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mas’uuliyadda UK ayaa sidoo kale diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada muhiimka u ah horumarka, dowlad-dhiska iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay si weyn u qiimeeyaan Boqortooyada Midowday oo ka mid ah saaxiibada muhiimka ah ee Soomaaliya, iyadoo London ay door muuqda ku leedahay taageerada dadaallada Soomaaliya ee horumarinta dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *