Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Soomaaliya ku wado wado halis iyo burbur ah

Xisbiga Himilo Qaran ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka, isagoo sheegay in Soomaaliya ay wajahayo qalalaase sii xumaanaya oo khatar ku ah dowlad-dhiska iyo midnimada qaranka.
Himilo Qaran ayaa bayaan ay soo saartay Talaadadii ku sheegtay in caqabadaha Soomaaliya ka jira ay ka dhasheen ku xadgudubka Dastuurka iyo shuruucda dalka, iyo sidoo kale maqnaanshaha heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Xisbiga ayaa sidoo kale dhaliilay doorashooyinka ka dhacay ama qorshaysan ee Banaadir, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, isagoo ku tilmaamay kuwo aan sharciyad iyo daahfurnaan ku filan lahayn, isla markaana aan ka tarjumayn rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ah inay si xor ah u doortaan hoggaamiyayaashooda.
Himilo Qaran ayaa soo hadal qaaday go’aan ka soo baxay Maxkamadda Sare oo la xiriiray doorasho ka dhacday Galmudug, iyadoo ku doodday in go’aankaasi uu caddeyn u yahay walaacyada ay ka qabto hannaanka doorashooyinka dalka.
Xisbiga ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu hannaanka doorashooyinka muranka dhaliyay u adeegsanayo inuu muddo xukunka ku sii dheereysto, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka hortagaan waxa uu ku tilmaamay maamul xumo, musuqmaasuq, kala qaybin iyo tallaabooyin sharci-darro ah.
Sidoo kale, Himilo Qaran ayaa diiday in dowladda federaalku ay doorashooyin ka abaabusho dowlad-goboleedyada, iyadoo ku doodday in arrintaasi ay ka hor imaanayso Dastuurka, heshiisyada siyaasadeed iyo shuruucda dalka.
Xisbiga ayaa intaas ku daray in dowladda federaalka ay ku jirto xaalad xukuumad sii haye ah, kadib markii uu dhammaaday muddo-xileedka dastuuriga ah.
Ugu dambeyn, Himilo Qaran ayaa ugu baaqday shacabka, siyaasiyiinta iyo dhammaan dhinacyada siyaasadda inay ka shaqeeyaan heshiis ku saabsan hannaan doorasho oo loo dhan yahay, hufan oo lagu kalsoonaan karo, si loo soo afjaro hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka.










