LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Guddiga Doorashooyinka oo war lama filaan ah kasoo saaray go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u aqbalay go’aankii Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in tixgelin buuxda la siiyay doorka Dastuuriga ah ee Maxkamadda Sare iyo sarreynta sharciga, iyadoo la raacayay Qodobka 73aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka. Qodobkan ayaa Maxkamadda Sare u siinaya awoodda garnaqida iyo go’aan ka gaarista dacwadaha lala xiriiriyo geeddi-socodka doorashooyinka.

Go’aanka Maxkamadda Sare oo tixraaciisu ahaa SUM: MSF/DD/1/2026 iyo SUM: MSF/DD/BX/1/2026 idilkeedana ku taariikhaysnaa 24-kii Agoosto, 2026, ayaa salka ku hayay qiimeynta doorashadii ka dhacday Galmudug 30-kii Luuliyo, 2026.

Sidoo kale, GMDQS ayaa sheegay in maadaama la aqbalay xukunkii Maxkamadda, ay dhowaan soo saari doonaan taariikhda iyo muddaynta rasmiga ah ee la qabanayo doorashada ku-celiska ah ee Dowlad-Goboleedka Galmudug, si loo hagajiyo hufnaanta iyo xalaalnimada doorashada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *