LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xildhibaano & Shacab laga hor-istaagay inay Salaada Ciida ku dukadaan Masjidka Isbaheysiga Islaamka

Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho waxaa laga hor istaagay qaar kamid ah Xildhibaanadii Baarlamaankii 11aad ee Dowlada Waqtigeed dhamaaday ee doonayay inay Salaada Ciida ku dukadaan.

Sidoo kale Shacabka ayaa Salaada Ciida ku tukaday banaanka hore ee Chekhpoint-ga laga galo Masjidka, waxaana Masjidka oo ku yaalla Agagaarka Madaxtooyada ku dukanayay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Gudaha Masjidka waxaa galayay Xubno ka socday Shaqaalaha Madaxtooyada, Saraakiil Nabad Sugid ah iyo Saraakiisha Ciidanka Booliiska ah.

Qatar kamid ah Shacabkii laga hor-istaagay Masjidka oo la Hadley Warbaahinta ayaa falkaas ku tilmaamay mid aad u xun, iyaga oo dowladda ka dalbaday in aysan markale arrintaasi ku dhaqaaqin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *