Xildhibaanno ka digay faragelinta Turkiga iyo duqeymaha Doolow

Xildhibaanno ka tirsan BFS oo ka baxay garabka dowladda ayaa si adag u cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen faragelin sii xoogeysanaysa oo dowladda Turkiga ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyagoo si gaar ah farta ugu fiiqay duqeymaha laga soo sheegay Doolow, Puntland iyo howlgallada ka dhanka ah mucaaradka Muqdisho.
Xildhibaannada ayaa sheegay in isticmaalka awood militari oo shisheeye lagu dhex daro khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Soomaaliya uu yahay arrin halis ku ah madax-bannaanida dalka iyo xasilloonida siyaasadeed.
Waxay sidoo kale ku eedeeyeen Turkiga inuu kordhiyay adeegsiga diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee gudaha Soomaaliya, iyagoo sheegay in awooddaas loo adeegsanayo taageeridda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.








