Dowladda Federaalka oo war kasoo saartay duqeyntii guriga General Shub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay dhacdadii duqeynta ahayd ee ka dhacday guriga General Mahad Cabdiraxmaan Shub oo ku yaalla degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Dowladdu waxay si cad u beenisay inay wax lug ah ku leedahay dhacdada, iyadoo sheegtay in xogaha horudhaca ah ee hay’adaha amnigu ay tilmaamayaan in qaraxyadu ka dhasheen walxo qarxa oo lagu diyaarinayay guriga.
Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay inay si degdeg ah u magacaabi doonto guddi xaqiiqo-raadin ah oo baaritaan ku sameeya waxa dhacay, ujeeddada ka dambeysay iyo cidda masuulka ka ah.
Dowladdu waxay sidoo kale ka digtay wararka iyo eedeymaha aan la xaqiijin, iyadoo sheegtay in natiijada baaritaanka lala wadaagi doono shacabka Soomaaliyeed marka uu soo dhammaado.
Duqeynta guriga General Shub ayaa xasaasiyad siyaasadeed iyo amni ka dhaliyay Doolow, iyadoo dhinacyo kala duwan ay horey uga bixiyeen warar iyo eedeymo iska soo horjeeda.










