LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

DEG DEG: Jubbaland oo Turkiga si toos ah ugu eedeysay duqeyntii General Shub

Maamulka Jubbaland ayaa si toos ah Turkiga ugu eedeeyay inuu fuliyay duqeyntii xalay ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, isagoo weerarka ku tilmaamay “fal bahalnimo iyo waxashnimo ah oo heerkii ugu hooseeyay gaaray.”

Jubbaland ayaa sidoo kale sheegtay in waxa ay ku tilmaantay “ficillada Xasan Sheekh iyo Turkiga oo dhabarka kuwadata” ay halis ku yihiin xasilloonida, dib-u-dhiska iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa Turkiga ku eedeeyay inuu qaaday tallaabooyin ay ku tilmaantay “aan caadi ahayn”, kuwaas oo sida ay sheegtay si toos ah u dhaawacaya wadajirka, amniga dalka iyo xasilloonida guud ee Soomaaliya.

Jubbaland ayaa ugu baaqday dhinacyada Soomaaliyeed inay si wadajir ah uga hortagaan tallaabooyinka noocaas ah, iyadoo hadalkan uu kusoo aadayo xilli xiisadda siyaasadeed iyo amni ee u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ay sii xoogeysaneyso.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *