Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS

Diyaargarowgii ugu dambeeyay ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga socda xarunta Villa Hargeysa, iyadoo maanta lagu wado in xildhibaanadu doortaan guddoomiye cusub.
Kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa bannaanaaday kaddib markii guddoomiyihii hore, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Loollanka maanta ayaa u dhexeeya laba xildhibaan oo kala ah Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo sidoo kale haya xilka Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, iyo Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada).
Xarunta Villa Hargeysa waxaa haatan ka socda qabanqaabadii ugu dambeysay, iyadoo indhaha siyaasadda Soomaaliya ay ku sii jeedaan codbixinta iyo cidda la wareegi doonta hoggaanka Golaha Shacabka.
Doorashadan ayaa si weyn isha loogu hayaa, maadaama natiijadeedu saameyn ku yeelan karto jihada siyaasadeed iyo awood-qaybsiga Baarlamaanka xilli dalka uu wajahayo loollan siyaasadeed oo xooggan.









