Soomaali laga soo tarxiilay Liibiya oo Dalka dib loogu soo celiyay

Hay’adaha socdaalka ee dalka Liibiya ayaa shaaciyay in 14 muwaadiniin Soomaaliyeed ah laga masaafuriyay magaalada Tripoli, kaddib markii la soo gabagabeeyay dhammaan habraacyadii sharci iyo maamul ee la xiriiray dib-u-celintooda.
Xarun lagu hayo dadka muhaajiriinta ah oo ku taalla bariga Tripoli ayaa sheegtay in muwaadiniinta Soomaaliyeed laga dhoofiyay Garoonka Caalamiga ah ee Mitiga, iyadoo howlgalka dib-u-celinta lala kaashaday hay’adaha ay khuseyso.
Sida ay xaruntu sheegtay, tallaabadan ayaa qayb ka ah olole socda oo lagu fulinayo dib-u-celinta dadka aan haysan sharciyada joogitaanka dalka, iyadoo la raacayo habraacyada iyo shuruucda u degsan Liibiya.
Hay’adaha Liibiya ayaa sheegay in tallaabooyinkan looga gol leeyahay xakameynta socdaalka aan sharciga ahayn iyo xoojinta ku dhaqanka sharciga, iyagoo sidoo kale tilmaamay in howlgallada dib-u-celinta muhaajiriinta ay sii socon doonaan.
Liibiya ayaa muddo dheer ka mid ahayd marinnada ugu waaweyn ee ay isticmaalaan muhaajiriinta ka imanaya dalalka Afrika, oo ay ku jiraan Soomaali badan, kuwaas oo isku daya inay dhinaca Badda Mediterranean-ka uga gudbaan qaaradda Yurub.
Dib u celinta 14-ka Soomaalida ah ayaa kusoo aadaysa iyadoo hay’adaha Liibiya ay sii xoojinayaan tallaabooyinka ka dhanka ah socdaalka aan sharciga ahayn iyo dadka aan haysan dukumentiyada u oggolaanaya inay dalkaasi joogaan.









