LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xasan Sheekh oo Cadaadiskii Ugu Cuslaa Wajahaya & Reer Galbeedka oo Dhaqaalaha Ka Jaraya Villa Somalia

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in mid ka mid ah dowladaha Reer Galbeedka ee saamaynta weyn ku leh arrimaha Soomaaliya uu bilaabay dadaallo lagu cadaadinayo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka, si loo hakiyo ama dib loogu dhigo taageerooyin maaliyadeed oo cusub oo loo qorsheeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay qayb ka tahay cadaadis siyaasadeed oo sii kordhaya oo lagu saarayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la xiriira sidii heshiis siyaasadeed oo kama dambeys ah looga gaari lahaa khilaafka doorashooyinka iyo wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka.

Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, taageerooyinka cusub ayaa wajahaya dib-u-dhac iyadoo dhinacyada cadaadiska wada ay doonayaan in marka hore la helo hannaan siyaasadeed oo lagu heshiiyey, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo muddo-xileedka hay’adaha dowladda.

Qaar ka mid ah mashaariicda cusub ee horumarinta ayaa la sheegay in geeddi-socodkooda uu gaabis ku yimid, halka mashaariic kale oo horey u socday ay wajahayaan dib-u-dhac ku saabsan go’aannada iyo jawaabaha laga sugayo hay’adaha ay khusayso.

Toddobaadyo ka hor, wada-hadallo ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo ay yeesheen diblumaasiyiin Reer Galbeed ah iyo mas’uuliyiin la xiriira Bangiga Adduunka ayaa lagu soo warramayaa in lagu soo qaaday suurtagalnimada adeegsiga habraaca loo yaqaan OP 7.30 (Operational Policy 7.30).

Arrintan ayaa la sheegay inay daba socoto dood ay wakiillo caalami ah ka yeesheen xaaladda Soomaaliya 7-dii May ee sanadkan.

Haddii dadaallada lagu hakinaayo ama dib loogu dhigayo maalgelinta cusub ay hirgalaan, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajihi karta caqabad dhaqaale oo hor leh, gaar ahaan haddii ay saameeyaan kabka miisaaniyadeed ee ay dowladdu rajaynayso bisha October.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Dowladda Federaalka ay wajahaysaa cadaadisyo dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed, halka khilaafka ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo heshiis siyaasadeed oo ay gaaraan dhinacyada Soomaalida uu weli yahay mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee horyaalla siyaasadda dalka.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Bangiga Adduunka ama Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xaqiijinaya in taageerada maaliyadeed ee cusub si rasmi ah loo hakiyey. Sidoo kale, lama shaacin magaca dowladda Reer Galbeedka ee la sheegay inay riixayso cadaadiskan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *