LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday oo jahwareer siyaasadeed wajahaya

Madaxwrynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu caawa kulan ballaaran kula yeesho Garoonka Wiish Stadium qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho, kuwaas oo laga soo uruurinayo degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa imanaya xilli Madaxweynaha uu wajahayo cadaadis siyaasadeed oo sii kordhaya, kaas oo ka dhashay dhaq-dhaqaaqyada joogtada ah ee mucaaradka iyo dhaliilo isa soo taraya oo ku aaddan jihada siyaasadeed ee dalka.

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmahanba waday abaabul xooggan oo shacabka looga kala keenayo degmooyinka kala duwan ee Muqdisho, si ay uga qeyb galaan kulanka caawa ka dhacaya Wiish Stadium. Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha lagu tuso inuu weli haysto taageero dadweyne oo muuqata, gaar ahaan shacabka caasimadda.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in mas’uuliyiin heer degmo iyo xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir lagu wargeliyay inay diyaariyaan ka qeybgalayaal badan, iyadoo gaadiid lagu daad-gureynayo dadweynaha loo qorsheeyay inay kasoo muuqdaan garoonka.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Federaalka ay dhowr jeer abaabushay isu-soo-baxyo lagu muujinayo taageerada dowladda, kuwaas oo aan u dhicin qaabkii laga filayay marka loo eego tirada kasoo qeybgashay iyo saameynta siyaasadeed ee laga sugayay.

Dhanka kale, mucaaradka ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay sii xoojiyay kulamadooda iyo bayaannadooda ay ku dhaliilayaan dowladda, iyagoo si gaar ah uga hadlay arrimaha siyaasadda guud, doorashooyinka iyo maamulka amniga. Arrintaasi ayaa abuurtay jawi siyaasadeed oo aad u kulul, iyadoo kulanka caawa loo arko mid qeyb ka ah dadaallada Villa Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku muujiso taageeradeeda gudaha Muqdisho.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *