LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xildhibaan sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh dalka xoog ku heysto, kuna tilmaamay…

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u dhaliilay habka maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u maamulayo ciidamada qalabka sida, isaga oo ku eedeeyay dowladda inay kala qaybin ku hayso hay’adaha amniga isla markaana ay dhinac marayso saraakiil khibrad iyo aqoon ciidan leh.

Qoraal uu xildhibaanku soo saaray ayuu ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu ku tilmaamay “madaxweynihii hore ee muddo xileedkiisu dhammaaday”, uu isku dayayo inuu awoodda sii haysto isagoo adeegsanaya taageero ciidan iyo isbeddello lagu sameynayo hoggaanka ciidamada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku andacooday in saraakiil badan oo waaya-arag ah laga reebay xilalka muhiimka ah, halka boosaskooda loo magacaabayo shaqsiyaad rayid ah oo aan lahayn taariikh ciidan ama saraakiil si degdeg ah loo dallacsiiyay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dadka la dallacsiinayo lagu xushay xiriir qoys, xigto, iyo daacadnimo shaqsiyeed oo ay u hayaan madaxda sare ee dowladda, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

“Shakhsiyaadka la dallacsiiyey waxaa inta badan lagu xushay xiriir qoys iyo xigto ay la yihiin Xasan ama Xamza, iyo daacadnimo kiraysan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale, wuxuu ku dooday in saraakiisha la faquuqayo ay yihiin kuwo si qoto dheer u fahamsan waajibaadka qaran ee ciidamada, islamarkaana rumeysan in ciidamada looga baahan yahay inay daacad u ahaadaan dalka iyo shacabka, balse aysan u adeegsan dano shaqsiyeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in saraakiisha dhabta ahi ay aaminsan yihiin dhowr mabda’ oo muhiim ah, kuwaas oo uu ku sheegay:

In daacadnimada ciidanku tahay mid loo hayo qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

In dastuurka iyo sharcigu yihiin hagaha dowladnimada iyo ciidamada.

In mudnaanta koowaad la siiyo badqabka muwaadiniinta, ilaalinta gobonnimada iyo midnimada dalka.

In taariikhda iyo mustaqbalka sarkaal kasta lagu qiimeyn doono kaalinta uu maanta qaato.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay geli doonto isbeddel siyaasadeed, isagoo xusay in xukunka Madaxweyne Xasan Sheekh aanu sii jiri doonin.

“Waa hubaal in Xasan Sheekh uu tegi doono, maalmihiisuna tirsan yihiin, isla markaana dalka uu geli doono isbeddel siyaasadeed,” ayuu yiri.

Wuxuu ugu baaqay saraakiisha ciidamada inay ilaashadaan sumcaddooda iyo doorkooda qaran, kana fogaadaan inay ku milmaan dano siyaasadeed oo ku meel gaar ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *