LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dil Argagax leh oo ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo

Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ku dilay wiil dhalinyaro ah oo ka shaqeynayay goob timaha lagu jaro, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Soomoow, ayaa la sheegay in rag hubeysan ay ugu tageen goobtiisa shaqada xilli uu ku guda jiray howl maalmeedkiisa, kadibna ay rasaas ku fureen, taasoo sababtay geeridiisa.

Goobjoogayaal ku sugnaa halka uu falka ka dhacay ayaa sheegay in dablaydii dilka geysatay ay si deg deg ah goobta uga baxsadeen, iyadoo aysan jirin cid markiiba gacanta ku dhigtay.

Dilka ayaa argagax iyo cabsi ku beeray shacabka ku nool degmada Baladxaawo, gaar ahaan dhalinyarada ku shaqeysata meheradaha yaryar ee magaalada. Dadka deegaanka ayaa si weyn uga hadlay falkaasi, iyagoo dalbaday in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka marxuumka.

Laamaha ammaanka ee degmada ayaa sheegay inay wadaan baaritaano la xiriira dhacdadaasi, islamarkaana ay ku raadjoogaan ragga hubeysan ee falka geystay. Saraakiisha ammaanka ayaa sidoo kale xusay inay socdaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga magaalada iyo soo qabashada eedeysanayaasha baxsadka ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *