LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wada-hadallada Villa Somalia iyo mucaaradka oo dib u billaabanaya iyo Beesha Caalamka oo…

Waxaa maalmaha soo socda magaalada Muqdisho laga filayaa in dib loo billaabo wada-hadallo siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kaddib cadaadis xooggan oo ay wadaan wakiillada beesha caalamka si xal looga gaaro khilaafka hareeyay arrimaha doorashooyinka dalka.

Diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socda beesha caalamka ayaa la sheegay inay kulamo gaar gaar ah la yeesheen dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, iyagoo ku boorrinaya inay miiska wada-hadalka kusoo laabtaan, islamarkaana laga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta xasillooni darro siyaasadeed ama amni.

Khilaafka siyaasadeed ee taagan ayaa salka ku haya hanaanka doorashada iyo heshiiskii doorashooyinka ee hore loo gaaray, kaas oo dhinacyada qaar ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka loo wajahayo hirgelintiisa. Mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeyay inay isku dayeyso muddo kororsi siyaasadeed iyo maamul aan loo dhammeyn heshiis qaran, halka dowladda ay dhankeeda sheegtay inay weli diyaar u tahay wada-hadal iyo in xal laga gaaro tabashooyinka jira.

Dhawaan xerada Xalane ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan siyaasadeed muhiim ahaa oo u dhexeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo uu wehlinayay Madaxweynaha Puntland.

Kulankaas ayaa ahaa mid rajo badan laga qabay, maadaama dhinacyadu muddooyinkii dambe ay isku mari waayeen arrimo la xiriira doorashada iyo amniga caasimadda. Si kastaba ha ahaatee, wararka laga helayo ilo ku dhow dhow wada-hadallada ayaa sheegaya in kulankaasi uu kusoo dhammaaday is afgarad la’aan, iyadoo dhinacyadu isku mari waayeen qodobbo muhiim ah oo ay kamid yihiin maamulka doorashada, guddiyada doorashada iyo ciidamada la wareegay ammaanka goobaha qaar.

Fashilka kulanka Xalane ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo mustaqbalka siyaasadda dalka, iyadoo bulshada Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ay cabsi ka muujinayaan in khilaafka sii jiitama uu saameyn ku yeesho amniga iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *