Xildhibaan Sanyare: “Maanta kadib Baarlamaanka Soomaaliya waa mid curyaan ah”

Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ee maanta ku eg muddo xileedkooda, ayaa shaaciyay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka April uu dhammaaday muddadii dastuuriga ahayd ee Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana aysan Xildhibaannadu lahayn sharciyad buuxda oo ay ku gutaan waajibaadkooda.
Qoraal uu soo saaray Xildhibaan Sanyare ayuu ku sheegay in sida ku cad qodobka 60-aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, ay si rasmi ah u dhammaatay muddadii afarta sano ahayd ee Baarlamaanka, taasoo saldhig u ahayd dhismaha hay’adaha kale ee dowladda.
“Dhammaan hay’adaha dowladda waxaa lagu aasaasay Baarlamaanka, sidaas darteed haddii tiirkii uu ku taagnaa uu dhaco, waxaa saameynaya guud ahaan dowladnimada,” ayuu yiri Xildhibaanka.
Sanyare ayaa sidoo kale xusay in 14-kii April 2022 la dhaariyay Baarlamaanka, kadibna 15-kii May 2022 la doortay Madaxweynaha, halka Ra’iisul Wasaaraha la magacaabay 15-kii June isla sanadkaas, isaga oo xukuumaddiisana soo dhisay bishii August.
Wuxuu ku dooday in laga bilaabo maanta Baarlamaanka uu noqonayo “xil-gaarsiin” ama sii haye, ilaa laga soo dooranayo Baarlamaan cusub, balse aanu awood u lahayn ansixinta sharciyo cusub ama heshiisyo.
“Baarlamaanka maanta wixii ka dambeeya wax shaqo ah ma qaban karo, sharciyo iyo heshiisyo midna lama hor keeni karo,” ayuu yiri.
Dhanka kale, wuxuu tilmaamay in haddii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu is casilo, uu xilka sii hayn doono Guddoomiye ku-xigeenka koowaad, maadaama aan la qaban karin doorashooyin ama go’aanno waaweyn xilli uu Baarlamaanka ku jiro marxalad sharciyadeed oo xaddidan.
Ugu dambeyn, Xildhibaan Sanyare ayaa ku tilmaamay Baarlamaanka hadda jira mid “curyaan ah” oo ay ka dhammaatay awooddii sharciyeed ee uu ku shaqeyn lahaa, taasoo dhalin karta muran siyaasadeed oo ku saabsan sharciyadda hay’adaha dowladda ee waqtigan.










