LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Golaha Mustaqbalka oo dacwad ka gudbinaya Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland, oo garabsanaya Madasha Samatabixinta, ayaa wada diyaarinaya warsaxaafadeedyo wadajir ah oo ay u gudbinayaan Beesha Caalamka, si ay si rasmi ah ugu caddeeyaan in uu dhammaaday muddo-xileedkii dastuuriga ahaa ee Golaha Sharcidejinta Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa imanaysa xilli xasaasi ah oo siyaasadeed, iyadoo ay isku beegantay safar uu magaalada Washington ku joogo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, oo halkaas uga qayb-galaya shirar muhiim ah oo uu la leeyahay hay’adaha dhaqaalaha caalamiga ah.

Kulankii ugu horreeyey ee Wasiirku la yeeshay Baanka Adduunka ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira hannaanka dastuurka dalka. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in wefdiga Soomaaliya lagu adkeeyey in dastuurka cusub uusan marin habraacii sharci ee saxda ahaa, isla markaana lagu ansixiyey kooram la’aan, arrintaas oo keentay walaac xooggan oo ay muujiyeen hay’adaha maaliyadeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale la filayaa inuu maanta kulan muhiim ah la yeesho Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), halkaas oo uu wajahayo cadaadis sii kordhaya oo la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo sharci ee dalka.

Wararka laga helayo ilo ku dhow Baanka Adduunka iyo IMF ayaa tilmaamaya in taageerada kabka miisaaniyadda Soomaaliya lagu xiray shuruudo adag, oo ay ugu weyn tahay in la helo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo dhex mara Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada.

Sidoo kale, arrintan ayaa si gaar ah muhiim u noqotay maadaama maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Abriil 2026 ay ku egtahay muddadii dastuuriga ahayd ee hay’adaha sharcidejinta dalka, taas oo sii kordhinaysa walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.

Xaaladda ayaa hadda u muuqata mid u baahan dadaal degdeg ah oo dhinacyada siyaasadda ay ku gaaraan is-afgarad, si looga hortago saameyn dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ballaaran.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *